Tirada dadka ay ciidanka Somaliland ku dileen Laascaanood oo gaartay 20 qof.

Jan. 02 (Jowhar.com)-Shaqaalaha caafimaadka maamulka Somaliland ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen qalalaasaha ka dhacay magaalada Laascaanood, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay sheegeen in tobanaan kale ay ku dhaawacmeen dagaal todobaadkii la soo dhaafay dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda.

Dhimashada ayaa laga cabsi qabaa iney tiradan kasii badato, maasaama xiisadda wali kacsan tahay, ciidamaddana rasaas nool nool dadka u adeegaanayaan

Mucaaradka ayaa dalbanaya in maamulka Somaliland uu ka baxo magaaladaas oo xarun u ah maamul goboleedka lagu muransan yahay Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dacyac dhanka xukuumadda Somaliland ah maadama sida uu sheegay in muddo ah halkaa dilal loogu gaysanayay dad ahaa wax-galka bulshada oo aan wax laga qaban.

Cabdirisaaq Khaliif guddoomiyaha golaha wakiillada ayaa ku eedeyay xukuumadda in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalalka joogtada noqday

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More