NISA oo shaacisay Magacyada horjoogayaal ka tirsan Alshabab oo lagu diley Aw-Dheegle iyo Bulacle

Sep 12 (Jowhar.com)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Alshabaab oo ay sheegtay in lagu diley hawlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen ciidanka Qaranka, geesiyaasha deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka.

War Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Nabadsugida ayaa u qornaa sidan hoos ku qoran;

Sirdoonka Soomaaliya waxa uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo xogta horjoogeyaasha hadda la dilay iyo kuwa kale ee wali baxsadka ah kuna dhuumaalaysanaya dhulka hawdka ah.

Xogta horjoogeyaasha la dilay:-

1. Horjooge Sheekh Cabdullaahi waxa uu horjooge u ahaa maleeshiyaad Khawaarij ah oo loogu talagalay in ay dadka ku dhibaateeyaan deegaanka Number 50 ilaa iyo deegaanka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
Timajilic
2. Horjooge Cali Timajilic waxa uu ahaa horjoogaha Caafimaadka ee Maleeshiyaadka Khawaarijta qaybta loogu yeero Jaylaani oo ka hawlgasha Gobalka Shabeellaha Hoose, Ninkan waxa uu Khawaarijta ku biiray 2012-kii, wixii ka dambeeyay 2017-kii ilaa iyo markii la khaarijiyay waxa uu ka hawlgalayay Shabeellaha Hoose. Waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

3. Horjooge Bashiir Dheere waxa uu ahaa horjoogaha Khawaarijta ka hawlgasha aagga Buula-mareer waxa uuna si gaar ah u hogaaminayay Maleeshiyaadka ay ugu yeeraan qaybta Macalin Salaxay, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

4. Horjooge Cabdiqafaar oo loo yaqaano macalin Nadaara waxaa uu Khawaarijta ku biiray 2009 waxa uu qayb ka soo ahaa Jamhadaha Muqdisho gaar ahaan qaybta dilalka, ka dib waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus ee weerarada qaada, hadda waxa uu ahaa Horjooge xagga marin habaabinta u qaabilsanaa khawaarijta ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5. Horjooge Shaaciye Maxamed Cali oo loogu yeeri jiray Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo ka hawlgala gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

6. Sakariye Maxamed Bashiir oo loo yaqaanay cadnaan ama Sandheere, 2011-kii ayuu Khawaarijta uga biiray Muqdisho waxa uu inta badan kasoo shaqeyay qaybta ay ugu yeeraan jugta culus, jagooyinka uu soo qabtay Horjoogahan waxaa ka mid ah waxa ay ugu yeeraan khanaasinta, sidoo kale waxa uu soo noqday Horjoogaha Diiwaanka Jugta culus ee Gobalka Shabeellaha Hoose, haddana waxa uu ahaa ku xigeenka horjoogaha qaraxyada Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

7. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, waa nin muddo dheer ku soo jiray Khawaarijta hawlo kala duwanna ka soo qabtay laakiin hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada si ay Khawaarijtu u helaan dhallinyaro kale oo ay dabka ku shubaan, waxaana lagu dilay horjoogahan hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More