Diiwaan gelinta musharixiinta madaxweynaha oo maanta la soo gaba-gabeynayo.

May 10 (Jowhar.com)–Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, ayaa maanta oo Talaada ah soo gaba-gabeynayo diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo maalinimada beri ah ay bilaabaneyso hadal jeedinta musharixiinta, taasoo socon doonta ilaa 12-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa ilaa iyo haatan diiwaan geliyay ku dhowaad 40 musharax, iyadoo maalintii Koowaad ee Axadii ay shahaadada musharaxnimo siiyeen 10 musharax, halka maalintii labaadna ay siiyeen inkabadan 20 mudane, iyadoo diiwaan gelinta ay sii soconeyso ilaa gelinka danbe ee maanta, sida guddiga doorashada ay hore u sheegeen.

Musharixiinta malaintii koowaad qaatay shahaadada waxaa kamid ah; Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Maalintii labaad oo Isniintii eheydna waxaa is diiwana geliyay; Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cumar, Muqtaar Maxamed Sayid, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Maxamuud Daahire Aweys, Xuseen Cabdi Nuurow, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) iyo Cabdulaahi Cali Axmed( Cadoow Cali Gees), C/Naasir Cabdulle iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More