Wararkii u danbeeyay qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

May 10 (Jowhar.com)–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay degaanka Buurane oo kuyaalla duleedka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyadoo qaraxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo watay Mooto nooca labada lug leh ee Fekonta lala eegtay qaraxa Miinada ah, iyadoo uu halkaasi ku geeriyooday hal askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, Mootada waxaa saarnaa kaliya labadaasi askari, iyagoo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh.Dhexe.

Meydka iyo dhaawaca askarta ayaa loo qaaday Jowehar, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay howlgalo ka sameeyeen ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabelle, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta ku soo dhigaan kooxihii qaraxan ka danbeeyay.

Dadka kunool degaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay inay wajahayaan cabsi Amni darro kadib markii degaanka ay kusoo bateen qaraxyada, waxaana ay aheyd markii todobaadkii hore degaankaas lagu qarxiyay Ciifamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More