Dilalka qorsheysan oo ku sii kordhaya caasimada dalka ee Muqdisho

Waxaa maanta lagu diley magaalada Muqdisho mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool degmad Deyniile iyadoo ay tahay nabadoonkii labaad ee muddo shan cisho gudaheed ah lagu dilo caasimada dalka ee Muqdisho.

Marxuum Cabdi Gaabow Cali Jimcaale ayaa rasaas lagu furay xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Gubta ee degmada Dayniile.

Sida caadig ah waxaa tegey goobta dilka uu ka dhacay ciidamada Booliska iyagoo halkaas baaritaan ka sameeyay xilli ay ka baxsadeen dadkii geystey dilka nabadoonka,

Xaafada Jungal ee degmada Yaaqshiid ayaa lagu dilay nabadoon kale toddobaadkan, iyadoo sidoo kale degmada Dharkaynley lagu dilay habeen hore ganacsade.

Hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa habeenadii howlgalo ka sameeyo degmooyinka magaalada Muqdisho iyadoo taasina aysan waxba ka bedelin dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More