Diyaarad Qaad siday oo ku bur burtay magaalada Cabudwaaq.

Dec. 17 (Jowhar.com)-Diyaarad Qaad siday ayaa goordhow ku bur burtay degmada Cabduwaaq ee gobolka Galgaduud, sida xogaha ay sheegayan.

Sawiiran taleefanka gacanta lagu qaaday oo la soo bandhiggay ayaa muujinaga diyaarada oo ku dhacday meel banaan ah oo ay ku yaalaan geedo yar yar, wali lama sheegin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa burburka iyo dhicitaanka diyaaradan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in diyaaradda ay Qaad u siday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo, iyadoo aan la sheegin xadiga khasaaraha diyaarada iyo dadkii la socday.

Waxaa socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka ee Galmudug oo isku hareereeyay goobta diyaarada ay kusoo dhacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More