Doorashada 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay doorashada 9 kursi oo la qabanayo maalmaha soo socda.

Guddiga ayaa faray oday dhaqameedyada kuraastas inay yimaadaan 15ka bsihan xarunta guddiga si loo siiyo tababar la xiriira qaabka xulista ergooyinka.

Waxaa qoraalka uu soo saaray guddiga doorashada Somaliland ku sheegay in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9ka kursi ee ay shaaciyeen.

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa hore u qabtay labo kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More