Doorashada Labo kursi oo ka dhacaysa maanta magaalada Jowhar

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay afar Murushax oo u Tartamaysa Kuraasta Tirsigiisa yahay HOP#070 iyo HOP#115.
Doorashada labaan kursi ayaa waxa ay qabsoomi doontaa maalinta Isniinta ee ay taariikhda tahay 07/02/2022.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#070 ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Cabdirahmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamad Xasan Bariiise,

Sidoo kale kursiga tirsigiisu yahay HOP#115 ayaa waxaa ku tartami doona musharaxiinta kala ah Cali Maxamed Cumar “Cali Balcad” iyo Mulki cabdullahi islow.

Labadan kursi ee maanta lagu dooranayo magaalada Jowhar ayaa la rumeysan yahay inuusan tartan adag ka dhici doonin oo la isu tanaasuli doono.

Kursiga HOP070 ayaa waxaa loo badinayaa inuu tartan la’aan ku guuleysto Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh “C/maan Dheere” halka kursiga HOP#115 la filayo in dib uu ugu soo laabto Cali Maxamed Cumar “Cali Balcad” oo hore u soo noqday Agaasimaha madaxtooyada xilligii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More