Doorasho la isu tanaasulay oo maanta ka dhacday Dhuusamareeb

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa lagu doortay labo xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

labadan kursi ayaa xildhibaanadii lagu doortay waxa ay ku guuleysteen kursigan kadib markii ay u tanaasuleen musharaxiintii la tartamaysay.

Maxamed Abuukar Cali”Jacfar”ayaa ku guuleystey kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 kadib markii si gacan taag ah uu ku helay boqol cod.

Sidoo kale waxaa lagu doortay maanta magaalada Dhuusamareeb Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen )kadib markii ay u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabeey.iyado heshay codad gaaraya 71 cod.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More