Dowlada oo u digtey danjirayaasha dalalka shisheeye ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cismaan Abokar Dubbe ayaa ka hadlay fariimo ay safaaradaha shisheeye gaar ahaan wadamada reer Yurub ay ugaga hadlaan arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya.

Wasiir Dube ayaa ugu baaqay danjireyaasha ka howl-gala dalkeenna ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Farriimaha ay soo diraan in aysan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah, islamarkaana Soomaaliya ay ku tahay xadgudub.
“Ma aqbali doono in dalka lagu soo xadgubo madaxbananidiisa waxaana loo baahan yahay in safiirada aysan kasoo gudbin xadka loogu tala galay.”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Cismaan Abuukar Duube ayaa sheegay in cidii dambe ee farriimaha hanjabaad ah dowladda dhexe u soo dirta in laga qaadi doono tilaabo waafaqsan sharciga.

Wasiirka warfaafinta ma carabaabin dalalka fariimaha ay ka soo baxeen,hase yeeshee wadanka Norway ayaa si adag uga hadlay khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More