Dowlada Soomaaliya oo ku baaqday in dagaalka ka socda dalka Sudan si degdeg ah loo joojiyo

Apr. 15 (Jowhar.com)-Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay muujinayso sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan.
Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan in si deg-deg ah xabada ku joojiyaan oo ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed,”

Dalka Sudan gaar ahaan caasimada dalkaas ee Kharduum ayaa waxaa waxbarasho u jooga boqolaal arday Soomaali ah kuwaasoo wax ka barta jaamacadaha wadankaas.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada Soomaaliya;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More