Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay Berri tahay Maalinta 1aad Ee Ciidul Fitri

Apr. 20 (Jowhar.com)-Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaaq Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan Xarunta Warbaahinta Qaranka.

Ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Ummadda Soomaaliyeed Xukuumad iyo Shacabba ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Magaalooyinka laga arkay waxaa kamid ah Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhexe, Cadaado ee Gobalka Galgaduud, Ceel Waaq oo Jubbada hoose ah iyo deegaanno kale oo kamid ah Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More