Dowladda oo sanadkan ahmiyad gaar ah siineysa balaarinta waxbarashada.

Jan. 03 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan xooggeeda ugu badan isugu geyneysa sidii ay ahmiyad gaar ah isaga saari leheyd horumarinta waxbarashada dalka, si gaar ah tan Caruurta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkan khudbad uu jeediyay kaga hadlay arrimi dhowr ayaa waxyaabaha uu taabtay waxaa qeyb ka ah sidii loo balaarin lahaa waxbarashada Caruurta, talaabada u horeysana ay tahay in la kordhiyo tirada macalimiinta.

“2023 waa Sanadka balaarinta Waxbarashada Caruurteena, iyo kordhinta tirada Macallimiinta, dugsiyada dadweynuhu leeyihiin aad u kordhino,dadka danta yarna ay helaan xuquuqdooda tacliineed” ayuu yiri madaxweynaha oo xog-ogaal u ah xaaladda waxbarashada dalka oo wixii ka horeeyay 2012-kii uu ka shaqeynayay.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadkan ay dowladda ku shaqeyneysa ayaa waxaa ku xusan in la kordhiyay tirada lacagihii hore loogu qoondeeyay Wasaarada Waxbarashada Sooaaliya.

Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada oo ka mahad celiyay arrintaasi ayaa balanqaaday in la qaadanayo 3000 oo macalimiin cusub ah, sidoo kalena iskoolada waxbarashada laga dhigayo lacag la’aan, si dadka oo dhan ay fursad ugu helaan iney waxbartaan.

Khuburo badan ayaa aaminsan in waxbarasho la’aanta heysata caruur iyo dhalinyaro badan ay sabab u tahay dib u dhaca dalka iyo amni darada sii baaheysa, waxaana laga faa’ideysanayaa garaadka kuwo aan waxbaran oo la gaarsiinayo ilaa heer lagu qanciyo iney naftooda gooyaan oo ay dadka isku qarxiyaan.

Balse arrimahaasi ayaa haatan u muuqda mid Albaabkoodii iska soo xirmaya, maadaama madaxweynaha dalka iyo Wasiirka waxbarashadaba ay yihiin laba qof oo 30-kii sano ee la soo dhaafay juhdigooda ugu badan galiyay sidii horumar loo gaarsiin lahaa heerka waxbarashada ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More