Saddex askari oo ka tirsan ATMIS oo lagu dilay gudaha xerada Xalane.

Jan. 03 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano (SFC) ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya uu toogasho ku dilay saddex askari kale oo ay wada shaqeynayeen.

Toogashadan ayaa shalay oo Isniin eheyd ka dhacday afaafka hore ee Saldhigga Xalane ee taliska guud ee ATMIS.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in askariga gacanta lagu dhigay kadib markii ay rasaasta ka dhamaatay, isagoo goobo kala duwan ku dilay saddexdaasi askari.

“Eedeysanaha, ayaa fiidnimadii isniinta isku dhaceen saaxiibkiis Lance Corporal. Abbaaro 5:45 subaxnimo, ayuu saaxiibkiis toogtay. “Markii uu ku soo laabanayay booskiisii, wuxuu la kulmay nin kale oo ay wada shaqaynayeen, wuuna toogtay. Askari kale oo u soo baxay inuu arko waxa dhacaya isagana waa toogtay,” ayuu yiri qof dhacdadan si dhow ula socday.

Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda Brig Gen Felix Kulaigye ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay inuu xiran yahay askariga dilka geystay oo la maxkamadeynayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More