Dowladda oo sheegtay in 40 Shabaab ah ku dishay Galgaduud

Sep 04 (Jowhar.com)-Ciidanka Qaranka ayaa burburiyay kooxo Khawaarij ah kuwaas oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galguduud.

Ilaa iyo 43 ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay hawlgalka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo Khawaarijtu ay lahaayeen.

Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta.

Dhinaca kale waxaa lagu jabiyay Khawaarijta isku day weerar oo ay isku dayeen in ay ku qaadaan Deegaanka Daaru-Necma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka galbeed ee isla Gobolka Galguduud waxaa ka socday maanta hawlgal saf balaaran ah, kaas oo Khawaarijta looga sifeeyay deegaano badan oo hoostaga Degmada Ceelbuur.

Hawlgallada sifaynta Khawaarijta ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee Khawaarijtu ku sugan tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More