Dowladda Soomaaliya oo shahaado ku xirtay badeecadaha lasoo galiyo dalka

Aug. 17 (Jowhar.com)-Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliya ayaa shahaado ku xirtay ganacsatada iyo shakhsiyaadka kale ee badeecada iyo alaabaha kale soogalinaya dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adaas.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in ‘dhamaan shirkadaha,Ganacstada , hay’addaha caalimiga ah iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee kala soo daga alaabaha kala duwan Dekeda Muqdisho iyo Airport Aadan Cade ay layimaadaan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Taya-dhowrka.’

Hay’adda Taya-dhowrka ayaa sidoo kale sheegtay ‘in ciddii aan la ilmaan shahaadan laga bilaabo kowda bisha soo socota ee September ay ciqaab iyo ganaax lacageed muteysan doonaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More