Dowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay 2000 askari ATMIS ah ee bishan dalka laga saarayo

Jun. 09 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay kala guurka hawgalka ammaanka ee ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, iyadoo la guda galay abaabulka iyo hannaanka ka bixitaanka dalka Soomaaliya ciidamadani.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu ay u diyaar u yihiin la wareegista amniga gudaha si buuxda.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka gacan ka heleysa bah wadaagta ay iska kaashadaan dhanka ammaanka, ayaa bilihii lasoo dhaafay waxey tababartay ciidamado, kuwaasoo kala wareegaya amniga ciidamada ATMis oo gaaraya 2,000, goobo ay kusugan yihiin.

Ciidamada ATMIS, ayaa kama danbeyn si buuxda ugu wareejin doonna mas’uuliyadda amniga dhammaadka bishan June ee sanadkan 2023-ka ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu qorayo qaraarada Qaramada Midoobay Golihiisa Ammaanka, ee tirsigooodu yihiin 2628 iyo 2670

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More