Dowladda Soomaaliyaa oo ku dhawaaqday in berri aysan aheyn Ciid

April 30 (Jowhar.com) –Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Federalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri la dhameytirayo 30-ka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxa ay wasaaradu sheegtay in aan maanta la arag Bisha Shawaal ee Sanadkan 1443,ayna waajib tahay in la dhamaystiro 30ka bisha Ramadaan.

Maalinta Ciidda ayaa waxa ay noqonaysaa Maalinta Isniinta ee soo socota May 2, 2022,sidoo kale wadamada Islaamka oo ay ka mid tahay boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa waxa ay sheegeen in bisha Ramadaan Sanadkaan 1443 la dhameysan doonaa 30 maalmood.

Dowladda Sacuudiga ayaa u xil saartay Khuburo gaar ah raadinta bisha, waxaana ugu dambeyntii ay shaacieen in berri aysan Ciid aheyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More