Dowladda Talyaaniga oo booliska Soomaaliya ugu deeqay gaadiid ciidan

Mar. 22 (Jowhar.com)-Wasiiru dowlaha amniga iyo taliyaha booliiska ayaa Ka qeyb galay munaasabad safaaradda Talyaanigu ku wareejisay gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday ciidamada boliiska JFS.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidanka boliiska.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay nadaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Khawaariijta.

Wasiir dowlaha amniga XFS
Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More