Duqeymo culus oo lala eegtay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil Shabaab ah.

June. 17 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dhinaca circa ah oo diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Mareykanka la beegsadeen meel qiyaastii 14KM u jirta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida wararku sheegayaan, weerarkan oo ay door ku leheyd dowladda Soomaaliya waxaa lala eegtay goob ay shirk u lahaayeen xubno Shabaab ah, kuwaasoo isgu jira saraakiil iyo dagaal yahano.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu faah faahinyaya weerarkan dhinaca cirka ah waxaa lagu sheegay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Shabaabkii goobtaasi ku sugnaa.

“Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay  howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Majirto wali wax war ah oo Mareykanka uu kasoo saaray weerarkan, waxaa sidoo kale jirin war kasoo baxay kooxda Shabaab, iyadoo duqeyntan ay kusoo beegantay saacado yar kadib markii taliyaha ciidmaada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM uu tagay Kismaayo, lana kulmay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoone, waxeyna isla qaateen dardar gelinta weerarada ku foorara Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More