Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la saftay shacabka careysan ee Gedo “Axmed Madoobe meesha haka tago”

June. 17 (Jowhar.com)-Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheikh Cali [Doodishe] ayaa kahor-yimid maamulka cusub uu Axmed Madoobe madaxweynaha Jubaland u magacaabay gobolka Gedo, taasoo xiisad ka dhalatay ay ka taagan tahay deegaano kamid ah gobolkaasi.

Wasiir Doodisho ayaa xalka kaliya ee arrinta Gedo ku sheegay inuu xafiiska baneeyo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, isagoo iska diiday inuu tago gedo oo shacabka gobolkaasi uu kala soo hadlo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Jubaland.

“Gobolka Gedo waa lagu diriray, waxaa loogu dirirayna waa Doorasho sababteed; sidii 2019-kii uu bannaanka u taagnaa ayuu bannaanka u tagnaanayaa illaa doorasho intay dhacdo Axmed Madoobe uu meesha ka tago, laakiin intaan dadkii u tago oran maayo maxaad rabtaan, waanba ogahay waxa ay rabaan, waxa ay rabaana waa waxa anigu rabo” ayuu yiri Wasiir Doodisho.

Arrintan ayaa sii adkeeneyso xalinta xiisada gobolkaasi, maadaama xubnaha xukuumada ay dhankooda la safteen gadoodka reer Gedo, waxaana la ogeyn halka ay sal dhigan doonto xiisada gobolkaasi oo laga cabsi qabo iney gacan ka hadal isu rogto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More