Duqeymo culus oo lala eegtay saldhig ay qaraxyo ku diyaarineysay Shabaab

Dec 23 (Jowhar.com)-Howlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee kaalmeeya Ciidamada Soomaaliya oo iska Kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay Duqeyn ku burburiyay Saldhigyadii kooxda Khawaarijta AS ee Koonfurta Mudug.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta AS.

Saraakiisha ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howgalka oo dhacay Aroornimadii hore ee saaka lagu beegsaday Saldhigii Howdka Jeexjeexa oo Koonfurta oga beegan Buurta Yackoos halkaas oo khawaarijtu ku diyaarinayeen Gaadiid qaraxyo ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More