Golaha Ammaanka wuxuu meel mariyay qaraar ‘la qasimay’ Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in sare loo qaado gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza kadib dib u dhacyo badan.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka aamusay intii codayntu socotay, dhammaan xubnaha kale ee golaha ayaa u codeeyay.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 390 falastiiniyiin ah la dilay 734 kalena la dhaawacay labadii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo la hakiyay isgaarsiinta.

In ka badan 576,000 falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza – qiyaastii rubuc ka mid ah dadka – ayaa wajahaya “gaajo iyo macaluul masiibo ah”, warbixin ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday.

Ugu yaraan 20,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza.

Dhimashada weerarka Xamaas ee Israa’iil ayaa mareysa ku dhawaad 1,140.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More