Ergeyga Qatar oo la kulmay Afhayeenada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo shalay yimid dalka ayaa kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxaa kulankan loogaga hadlay arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha waqigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday Dowladda Qatar.

Waxay kawada hadleen xaaladda guud ee Dalku marayo, xallinta khilaafyada ku hor gudban arrimaha Doorashooyinka, iyo kaalinta dhexdhexaadnimo ee ay Dowladda Qadar ay ka qaadan karto sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Dhinacda isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah, xalaal ah oo la isla oggolyahay.

Wafdiga ka socda Qatar ayaa horey ula soo kulmay raisul Wasaaraha Somalia Rooble iyo madax kale oo ka tirsan DF, iyagoo caawana afur kula balansan musharaxiinta iyo madaxda mucaaradka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More