Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay xubno ka socda midowga musharaxiinta oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Xubnaha Midowga Musharrixiinta ee ka qeybgalay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Musharrax Mustafa Dhuxulow iyadoo kulankana uu ahaa mid Midowga Musharrixiinta ay garab istaag ugu muujinayaan Ra’iisul Wasaare Rooble la wareegitaanka howlaha doorashooyinka iyo amniga.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulankan loogaga hadlay xaaladda guud ee dalka, xasilloonida caasimadda iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa yimid waxyar kadib markii uu Ra’isul wasare Rooble uu iclaamiyay kulan ay ka soo qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kaas oo loogaga hadli doono arrimaha doorashooyinka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More