Faafaahino ka soo baxaya nin hubeysan oo lagu diley Muqdisho

Faah faahino ayaa kasoo baxaya nin ku hubeysnaa bastoolad oo lagu diley degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ninkan hubeysan ee la diley ayaa doonayay in uu dilo askari balse waxaa la sheegay in askariga uu kala hormaray dilka.

Hase yeeshee waxaa goobta ka baxsaday nin labaad oo la socday qofka la diley oo la rumeysan yahay inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Alshabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana qaaday meydka ninkii hubeysnaa ee la dilay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More