Faahfaahin ka soo baxaysa qaraxyo ka dhacay maanta magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira labo qarax oo maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa mid ka mid ah waxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso oo lala beegsaday ciidamo ku sugan wadada Ceel Qalow ee degmada Wadajir.

Illaa saddex askari oo ka mid ah ciidamada dowladaha hoose ayaa ku dhaawacmay qaraxan.
Dhinaca kale gaari laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa oo lala beegsaday gawaari ay lahaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho,dhaawac iyo weliba burbur dhismo.

Mid kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa soo gaaray waxyeelo balse lama oga waxyeelada ka soo gaartay ciidamada AMISOM ee marayay wadadaas.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ammaankeedu uu wanaagsanaa hase yeeshee waxa ay qaraxyada maanta ku soo beegmayaan iyadoo lagu jiro diyaargarowgii ugu dambeeyay ee qabashada doorashada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More