Faahfaahin ka soo baxaysa Weerar ay ku qaadeen Alshabaab saldhigga ciidamada Hiilweyne

Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Hiilweyne oo dhinaca Waqoyi kaga beegan illaa 27km caasimada dalka ee Muqdisho.
Illaa afar askari ayaa lagu diley saldhiggan iyadoo sidoo kale ay dagaalamayaasha Alshabaab miino ku xireen dhisme ku yiil saldhigga Hiilweyne.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerarka uu dhacay saaka waaberigii iyadoo aysan joogin ciidamo badan saldhigga Hiilweyne.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada xoogga dalka iyo maamulka degmada Balcad oo la xiriira weerarkan.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa kordhiyey toddobaadkan weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ciidamada iyo weliba qaar kamid ah magaalooyinka dalka oo ay dowladu gacanta ku hayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More