Faahfaahin qarax ka dhacay duleedka magaalada Baraawe

Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax ka dhashay miinada dhulka la geliyo uu xalay ka dhacay deegaanka Ambresso ee duleedka magaalada Baraawe.

Qaraxa oo ka dhacay meel ay degenaayeen maleeshiyaad deegaanka ah ayaa waxaa uu sababay dhaawac soo gaara qaar ka mid ah maleeshiyaadka loo yaqaan macawisleyda.

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xerada uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in 7 Ruux oo ah Ciidmada ku sugnaa goobta ay qaraxa ku dhsawacmeen.

“Qaraxan waxaa ka dambeeyay Kooxda Alshabaab waana sii wadaynaa la dagaalanka Alshabaab.”ayuu yiri Aadan Cumar oo la hadlay warbaahinta.

Qaraxaan ka dhacay tuulada Ambareeyso ee degmada Baraawe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay magaalada Marka uu ka dhacay qarax uu ku dhintey ruux la sheegay in uu diyaarinayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More