Faahfaahino ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira qarax qasaare geystey oo goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso waxaana ay la qaraxday gaari nooca loo yaaqaan SURF,waxaana la sheegay inay ku dhinteen saddex ruux oo gaariga saarnaa halka qof dumar ah wadada maraysay ay ku dhaawacantay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More