Falcelinta madaxda Caalamka ee dhimashada suurtagalka ah ee madaxii Wagner Prigozhin

Aug 23 (Jowhar.com)-Madaxa calooshood u shaqeystayaasha Ruushka Yevgeny Prigozhin ayaa lagu daray liiska rakaabka diyaarad khaas ah oo ku burburtay waqooyiga magaalada Moscow, halkaasoo ay ku dhinteen dhammaan 10 qof oo saarnaa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ruushka.

Tan iyo markii ay fallaagoobeen ciidamada Wagner bishii June, Prigozhin ayaa loo arkay caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahda madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay.

Kanaalka, Grey Zone, ayaa ku tilmaamay Prigozhin geesi iyo wadani oo ay sheegtay inuu ku dhintay gacmaha dad aan la aqoonsan oo ay ugu yeertay khaa’inul waddan Ruushka.

Taliyaha Wagner iyo Ninka wax ka aasaasay Dmitry Utkin ayaa sidoo kale ka mid ah dadkii la socday diyaaradii burburtay, isagoo ku jira liiska ay soo saartay wakaaladda gaadiidka cirka ee Ruushka.

Grey Zone, kanaalka Telegram ee la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay Wagner, ayaa sidoo kale sheegay in Utkin la dilay.

Wakaaladda Federaalka ee Gaadiidka Cirka ee Ruushka ayaa magaca Yevgeny Prigozhin ku dartay liiska dadka lagu dhawaaqay inay la socdeen diyaaradda burburtay.

Magaca Prigozhin iyo lix ruux oo kale oo rakaab ah, iyo saddex shaqaalaha diyaarada ayaa la shaaciyay.
Qaar ka mid ah madaxda caalamka ayaa ka hadlay shilkan ka soo cusboonaaday dalka Ruushka.

Maraykanka

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in aanu la yaabin warka sheegaya in Prigozhin uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ruushka.

“Xaqiiqda ma garanayo waxa dhacay, laakiin lama yaabin,” Biden ayaa yiri, isagoo raaciyay, “Ma jiraan wax badan oo ka dhacaya Ruushka oo uusan Putin ka dambeyn. Laakiin ma garanayo si aan u ogaado jawaabta. ”

Ukraine

Kaaliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa ku soo qoray baraha bulshada “burburka diyaaraddu waxa uu ahaa calaamad ka timid Kremlin-ka cid kasta oo muujisa daacad darro.”

“Khaarijinta Prigozhin iyo taliska Wagner laba bilood ka dib isku daygii afgambiga waa calaamad ka timid Putin oo ku socota madaxda Ruushka ka hor doorashooyinka 2024. ‘iska jir! Daacad-la’aantu waxay la mid tahay dhimashada’, Podolyak ayaa baraha bulshada ku qoray.

UK

Isagoo ka jawaabaya wararka sheegaya in diyaarad uu leeyahay Yevgeny Prigozhin ay ku burburtay Ruushka, afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa yiri “waxaan si dhow ula soconaa xaaladda”
Estonia

Ra’iisul wasaaraha Estonia Kaja Kalas, oo wareysi siisay CNN, ayaa sheegtay in Putin “uu baabi’in doono kuwa ka soo horjeeda, taasina waxay cabsi gelisaa qof kasta oo ku fekeraya inuu muujiyo fikrad ka duwan kiisa”.

Poland

Wasiirka arrimaha dibadda Poland Zbigniew Rau, oo la hadlay TVP Info, ayaa sheegay in kuwa u hanjabay awoodda Putin aysan si dabiici ah u dhiman.

“Dhib weyn ayaa naga qabi lahaa magacaabista qof kasta oo si macquul ah u malaynaya in tani ay tahay shil. Waxay dhacdaa in mucaaradka siyaasadeed ee uu Vladimir Putin u arko inay khatar ku yihiin awooddiisa inaysan si dabiici ah u dhiman. “

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More