War Deg-deg ah;Madaxii Kooxda Wagner oo Shil Diyaaradeed ku dhintey

Aug 23 (Jowhar.com)-Madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha  Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku dhintey shil diyaaradeed ka dhacay dalka Ruushka.

Wegner ayaa ku jiray liiska rakaabka diyaaradii ku burburtay Ruushka, waxaana ku dhintay 10-kii qof ee saarnaa.Mar sii horreysay, kanaalka Telegram ee ku xiran Wagner ee Grey Zone ayaa sheegay in diyaaradda ay ku soo rideen difaaca hawada gobolka Tver ee waqooyiga Moscow.

Prigozhin ayaa bishii June hogaaminayay gadood fashilmay oo ka dhan ahaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka.

“Waxaa saarnaa 10 qof oo ay ku jiraan 3 shaqaale ah. Sida laga soo xigtay xogta hore, dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda waa dhinteen, “ayaa hore u sheegay Wasaaradda Xaaladaha Degdegga ah ee Ruushka ee Telegram.

Diyaarada sida gaarka ah loo leeyahay ee Embraer Legacy ayaa ku burburtay meel u dhow tuulada Kuyenkino ee gobolka Tver, waqooyi galbeed ee magaalada Moscow.

“Wasaaradda Xaaladaha Degdegga ah ee Ruushka ayaa fulinaysa hawlgallo baaritaan ah,” ayay sii raacisay.

Sideed mayd ayaa laga helay goobta shilku ka dhacay sida ay sheegeen kooxaha gurmadka. Baadhitaanku wuu socdaa

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warantay in Dmitry Outkine, oo saaxiib dhow la ah Evgeny Prigoyhin, uu sidoo kale la socday diyaaradda, balse weli lama xaqiijin. Labada nin ayaa la sheegay inay u socdaalayeen magaalada Moscow si ay kulan ula qaataan wakiilo ka socda Wasaaradda Difaaca.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More