Farmaajo iyo Rooble oo ka hadlay sanadguurada 78aad ee aasaaska ciidanka Booliska

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 78 guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dadaalladooda naf-huridda ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga, caddaaladda, sarraynta sharciga iyo xasilloonida dalka, si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dalkooda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan qaran iyo midnimo, waxa ayna u taagan yihiin xaqiijinta amniga dalka si dadkeennu ay nabad, caddaalad iyo xasillooni ugu noolaadaan, sidaas awgeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ku garab istaagan gudashada waajibaadkooda qaran”

Farmaajo ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladdu ay ku xoojinayso ciidamada, kor u qaadidda tababarradooda, joogteynta iyo kordhinta mushaarkooda, iyada oo la hirgeliyey hannaan askari kasta uu si toos ah ugu helaayo xuquuqdiisa.

Sidoo kale waxa yy ku bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha muga weyn ee hanashada iyo xaqiijinta amniga dalka, isaga oo Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Booliska ee naftooda u huray ilaalinta amniga nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay ciidamada booliska inay yihiin tiir dhexaadka ciidamada.

“Waxaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyeyaasha, Saraakiil xigeennada, Dableyda, Alifleyda iyo Qoysaskooda ugu hambalyeynayaa sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.”ayuu yiri Rooble.

Ciidanka Boolisku waa tiir-dhexaadka iyo hormuudka Ciidammada Qalabka Sida ee dalka. Waxaan u rajeynayaa horumar iyo guulo joogto ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More