Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka

April 30 (Jowhar.com) – Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Madaxwaynaha uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.

Sidoo kale, Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More