Farmaajo oo la kulmay qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kulan afur ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada, Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Farmaajo culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladda.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli caasimada dalka ay ka jirto xiisado ka dhasahay muddo kordhin ay Farmaajo iyo Golaha Shacabka isku dayeen balse aan suurtogelin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More