Finland oo Soomaaliya hordhigtay dalab ku aadan dagaalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine

Apr. 09 (Jowhar.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomalaiya uu kala hadlay kaalintooda xal u raadinta colaada daba dheeraatay ee dalka Ukraine.

sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradiisa, waxaa lagu caddeeyay in uu Xasan Sheekh hor-dhigay dalab ku saabsan dagaalka Ukraine.

“Waxaan la socodsiiyay madaxda Soomaaliya muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka taageerto beesha caalamka dadaallada lagu soo afjarayo duullaanka Ruushka ee Ukraine,” ayuu Haavisto ku yiri bayaanka.

Villa Soomaaliya wax war ah meysan kasoo saarin sheegashada Finland, iyadoo dowladda ay tilmaamtay oo kaliya iney ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood.

Soomaalida ku nool Finland ayaa lagu tirayaa in ay yihiin bulshadda afaraad ee ugu tiradda badan. Soomaalidu waxay markii hore qaxooti ku noqdeen dagaal sokeeye horraantii sagaashamaadkii.
Sidda ay daabacdey warbaahinta maxaliga ah, Finland waxaa ku nool ilaa 20,000 oo qof oo ku hadla afka Soomaaliga, halka ku dhawaad 18 boqolkiiba dadkaas Soomaaliyeed ay badankooda ku dhasheen Finland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More