Haweeney ka tirsan bahda Caafimaadka oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Apr. 09 (Jowhar.com)-Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa fiidkii hore ee xalay dil u geystay haweeney fadhisay albaabka hore ee gurigeeda oo ku yaala xaafada Ciisa Cabdi ee degmada Deyniile.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Shukri Cal Mahad Alle ayaa rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taasoo dhalisay iney isla goobta ku geeriyooto.

Marxuumada ayaa si weyn looga yaqaanay xaafadda Ciise Cabdi, iyadoo ka mid ahayd haweenka shaqaalaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ee xaafadaha ugu taga caruurta u baahan Talaalka Dabeysha.

Ciidamadda amaanka ee degmada Deyniile oo sameeyay howlgalo baaritaano ah ayaa ku guuldareystay iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaasha falkaa dilka ah geystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More