Fiqi “naftayda waan u Quuri waayey inaa hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii”

Mar 9 (Jowhar.com)- Wasiirkii hore ee amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay wararka sheegaya inaanu sanadan isu sharixi doonin kursiga xildhibaanimo ee sumadiisu tahau HOP#038, kaasoo deegaan doorashadiisa ay tahay magaalada Gaalkacyo.

Fiqo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay inaanu musharax eheyn, wuxuuna taasi ku micneeyay inaanu doonaneyn inuu kursiga beeshiisa uga geed fatiisto si dulinimo ah dad aan u qalmin.

“Marka koowaad waxaaan u mahadcelinayaa asxaabtayda iyo qaraabadaba, waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursigaas saandkaan arrimo ii gaar ah awgood iyo anigoo naftayda u Quuri waayey in aan hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii iyo dhanka kale siyaasaddu in aysan ahayn oo kaliya barlamaanka oo xubin laga noqdo” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Farmaajo, waxayna dhowaan isku dhaceen madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, iyadoo ay fashilmeen isku dayo la doonayay in lagu dhex dhexaadiyo.

Doorashada sanadan oo musuqii ugu xooganaa ka dhex jiro ayaa waxaa kursi soo qaatay oo kaliya dadka ku socday rabitaanka madaxda dowlad goboleedyada, waxaana laga warqabaa in khilaaf aad u xooggan uu u dhexeeyay Xildhibaan Fiqi iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor, taasoo keentay inuu iska soo casilo xilka wasiirka amniga Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More