Saddex kursi muran ka taagnaa oo doorashadooda beri lagu qabanayo Beledweyn.

Mar 9 (Jowhar.com)- Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka hiiraan ayaa beri oo Khamiis ah marti galineyso doorashada saddex kamid ah kuraasta golaha shacabka, kuraastan oo dhawaan la hakiyay muran ka yimid darteed ayaa dib loo fasaxay.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay qabashada doorashada, iyadoo ay is diiwaan galiyeen musharixiinta u tartameysa kuraastan, waxaana iska soo af jarmay qorshe la doonayay in shaqsiyaad gaara loo xiro kuraastan oo kala ah:

1: Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fahiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, waxaana kursigaan uu ahaa mid doorashadiisa ay ka dhalatay dood adag kadib amrkii ay soo baxeen in musharrax gaar ah loo xira.

2: Kusriga HOP#030 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxaana kursigaan dhawaan ciidamo ka gadoodsan lagu arkay meelo kamid ah Magaalada Beledweyne.

3: Kurisiga HOP#066 oo uu ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge, waxaana kursigaan uu kamid ahaa kuraasta taalla Magaalada beledweyne oo ay dooda ka taagan tahay.

Hadii kuraastan la soo doorto beri, deegaan doorashada labaad ee Hirshabelle waxaa ku hari doonta oo kaliya 8 kursi, iyadoo xildhibaanada guud ee harsanna ay noqon doonaan 53 mudane oo kaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More