Gaadiidka aan xabadaha karin oo laga dejiyay Doolow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ka dejisay gaadiid nooca aan xabadda karin ee loo yaqaano Bullet-proof.

Diyaarad ka qaaday gaadiidan magaalada Muqdisho ayaa ka dejisay gaadiidkan garoonka degmada Doolow iyadoo ay halkaasi ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada nabad sugida iyo maamulka degmada Doolow.

Dowladda Federaalka ayaa maalmo kahor degmada Doolow waxa ay geysey Ciidamo farabadan, kuwaasi oo laga qaaday Caasimadda dalka.

Ciidamada iyo gaadiidka isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa aan xabadaha karin ee la geeyey magaalada Doolow ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar tilmaamaya in uu jiro wadahadal u socdo dowlada federalka iyo Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo madax sare oo ka tirsan dowlada federalka ay booqato gobolka Gedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More