Gaadiidka Guurguura ee Caafimaadka Haweenka oo lagu wareejiyay Wasaarada Caafimaadka

Mar. 27 (Jowhar.com)- Hay’ada UNFPA ayaa ugu deeqday dowlada Soomaaliya illaa shan gawaarida guurguura ee loogu talogalay haweenka iyo Carruurta,iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee gaadiid noocan oo kale ah la keeno dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa Hay’adda UNFPA kala wareegay Adeegga Caafimaad ee guurguura si waxbadan looga badalo bedqabka Hooyada iyo Dhallaanka, adeegan ayaa sahli doona helitaanka Daryeelka Caafimaad ee loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka xilliga dhalmada iyo kadibba.

Munaasabda wareejinta qalbka adeega Caafimaadka guurguura waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxda ugu sareysa ee Hay’addaha UNFPA, UNICEF iyo Hay’addo kale oo katirsan Hay’addaha Qarmadda midoobay iyo Ururadda Calamiga ah kuwaas oo dhmaantood bogaadiyay hirgellinta habkan cusub ee xannaaneynta Hooyada iyo Dhallaanka.

Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More