Ganacsade Xasan Koboc oo ku guuleystey Kurviga doorashada Aqalka Sare

Ganacsade Xasan Iidow Muxumad “Koboc”ayaa ku guuleystey doorasho goordhow a dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xasan Koboc ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod,halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur maxamed Ibraahin uu ka helay codad gaaraya 22 cod.

Senator Xassan Koboc ayaa noqonaya Senatarkii lixaad ee lagu doorto magaalada Jowhar toddobaadkan waxaana dhiman labo kursi oo kamid ah kuraasta baarlamaanka Hirshabelle.

Kursigan ayaa tartankiisa aad loogu muransanaa, iyadoo labo ka mid ah Musharaxiintii kursiga ku tartamayay oo uu ku jiro Senatarka Kursigan ku fadhiyay ay maalmo ka hor si carro leh uga tageen Jowhar, iyagoo tirsanayay in Madaxda Hirshabelle ay ka ololeeyeen, una rabaan kursiga ninka ganacsadaha ah, hase ahaatee markii dambe ay dib u soo laabteen.

Balse Senatarkii hore ugu fadhiyay kursigan Cismaan Axmed Mocow ayaa ka tanaasulay inuu u tartamo kursigan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More