Gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo la dhigey tuulada madax maroodi ee degmada Matabaanla 

Gogoshan nabadeed ay iska kaashadeen hay’adda Zamzam Foundation iyo wasaaradda dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle isla markaana ay ka caawisay hay’adda Somali Stability fund ayaa lagu qabtay tuulada madax maroodi ee hoos tagta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Gogoshan loo fidiyey labadan beelood ee walaalaha ah kuwaas oo wada daga tuulooyinka hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ugaaasyada labada beel

Ugaas xasan Ugaas Maxamed iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan waxaana ka soo qeyb galay duubabka dhaqanka, Wax garadka, culimaa’u diinka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed & Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa door weyn ka qaatay gogosha si xal looga gaaro colaadahan daba dheeraaday.

Waan waantan lagu dhex dhexaadinayo beelahan walaalaha ee wada daga ayaa ah kuwo sii socon doono maalmahan si loo helo xalka waara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More