Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe oo go’aan kasoo saaray dhoofka dhuxusha Soomaaliya

Sep 08 (Jowhar.com)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo taabanaya dhoofinta dhuxusha, oo ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala duwan.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay, “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka, in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.”

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dawladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydsan, iyada oo raacayo codsiga ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More