Golaha Amaanka oo kulan deh deg ah ka yeelanayo amniga iyo abaarta Soomaaliya.

Sept. 07 (Jowhar.com)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan xaaladda guud ee Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.

Dhinacyadaasi ayaa warbixin dheer ka bixin doona xaaladda amni ee dalka, isbedelka cusub ee dalka ka dhacay 15-kii May,dagaalka ka dhanka ah Shabaab, howlaha hoyaala ATMIS iyo abaaraha daran ee ku dhuftay Soomaaliya, kuwaasoo laga cabsi qabo iney macluul isu bedelaan.

Si kastaba, kulankan waxa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidoo kale xaalad macluul daran oo la saadaaliiyay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More