Wiil la dhashay gudoomiyaha Warta-Nabada oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sept. 07 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay kooxo Bistoolado ku hubeysan ay ka geysteen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ragii falkaasi geystay ay goobta isaga carareen.

Dilka oo ka dhacay xaafada Baar Ubax ayaa lagu beegsaday Liibaan Xaabseey oo ahaa askari ka tirsan ciidamadda Milatatiga, waxaana xiliga la tooganayay uu sii galayay guri ay qoyskiisa ka dagnaayeen halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka ay dableyda dishay rasaasta uga dhufatay qeybaha sare ee jirka, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo, kahor inta aan lala aadinba goobaha caafimaadka.

Askariga la dilay waxa ay walaalo ahaayeen gudoomiyaha degmada Warta-Nabada Seynab Xaabseey oo iyada lafteeda hore uga badbaaday geeri, maadaama uu dhaawac daran ka soo gaaray qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamada amaanka oo tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyagoo ku fashilmay soo qabashada danbiilayaashii falkaasi ka danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More