Golaha shacabka oo beri la horgeynayo mudo kororsiga madaxweynaha iyo BFS

Jun. 02 (Jowhar.com)-Mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa beri la isugu yeeray kulan xasaasi ah, kaasoo ka dhacaya xaruntooda Villa Hargeysa.

Sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan, Golaha Shacabka ayaa berito loo qeybin doonaa, loona akhrinayaa Mooshinka wax ka badalka mudo xileedka Madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka.

Sida ku cad heshiiskii golaha wadatashiga qaran mudo kororsigan waxaa laga dhigi doonaa 5 sano, taas oo ka dhiganaanaysa mudo kororsi goor hore la sameynayo.

Si kastaba, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa horey mudo kororsiga ugu tilmaamay XAARAN, aan ka suuragaleyn Soomaaliya, balse sannad uun xil-heynta Madaxweynaha ayaa ku dhaqaaqay, taasoo siyaasiyiin saameyn leh ay kasoo horjeesteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More