Golaha Wadatashiga Qaran iyo Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo kulan fogaan arag ah yeeshay

Golaha Wadatashiga Qaran iyo xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa caawa yeeshay wada hadal dhanka Zoomka oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashada iyo tabashooyinka ka yimid.

Midowga Musharaxiinta ayaa ayaa shirka ku soo bandhigay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin sixitaanka doorashada, in la helo hufnaan iyo in lakala diro Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

 

Xubnaha matalayay Midowga Musharraxiinta ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur kuwaas oo Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka .

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ugu dambeyn isku raacay in la dardar geliyo doorashada iyo Goluhu isugu yimaado kulan looga arrinsanayo dhameystirka doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More