Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan habka fogaan arraga ku yeeshay

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga caawa ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

 

Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

 

Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ay yeeshaan tan iyo markii Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay isku khilaafeen Kiiska Ikraan Tahliil.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More