Golaha wadatashiga Qaranka oo yeeshay kulan looga hadlayey dhameystirka Doorashadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.

Waxaa muddo 15 cisho ka harsan tahay mudada 40-ka cisho ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aan weli saddex meel labo meel aysan gaarin, illaa haddana la doortay illaa 110 Xildhibaan.

Kulanka xalay ayaa ku soo beegmay, saacado kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu soo saaray qarar xayiraado safar dal ku galka ah lagu soo rogay shaqsiyaadka mas’uulka ka ahaa tallaabooyinka ka dhanka ah Geeddi socodka dimoqraadiyadda oo ay ku jiraan xarig aan caddaalad ahayn, caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku-takri-falka iyo isdaba-marinta doorashada, inkastoo aanu Mareykanka shaacin shaqsiyaadkaas, balse ay ku jiraan rag xilal hore soo qabtay iyo kuwa hadda xil haya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More